XAFLAD QALIN JIBIN, MADRASADA UGU BALLAARAN GOBOLKA HIIRAAN MADRASATU UBAYU IBNU KACAB.

Maamulka mu’asasada sheekh Maxamed Macalin Xasan ayaa hambalyo iyo bogaadin udiraya ardaydii dhawaan ka aflaxday madarasada Ubay Ibnu Kacab ee magaalada beledweyne. Mu’asasada ayaa Alle ugu baryeysa ardaydaasi inuu Ilaahay kadhigo kuwii anfaca diintooda dalkooda iyo dadkooda.

Sidoo kale mu’asasada waxay si gaar ah mahadcelin ballaaran udiraysaa macalin ka aasaasaha madarasada Macalin Cali Xasan Wasuge iyo dhammaan macalimiinta kale ee ku wehliya madarasada.
Waxaan leenahay Allah ha idiin barakeeyo dadaalkiina ha idinku garab galo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *