Taageero Waxbarasho.

Mu’assasada Sh. Maxamed Macallin ayaa maanta si rasmi ah ugu qaybisay ardayda Jaamacadda Qur’aanka Kariimka ee magaalada Muqdisho kutubta tafsiirka Qur’aanka ee ciwaankeedu yahay:
“تفسير غريب القرآن” (Tafsiirka Ereyada Adag ee Qur’aanka).

Qeybinta kutubtan barakaysan waxay qeyb ka tahay dadaallada Mu’assasadu ugu jirto fidinta cilmiga, gaar ahaan fahamka saxda ah ee kitaabka Alle. Waxayna qorshuhu yahay in kutubtan lagaarsiiyo dhammaan dugsiyada Qur’aanka, macaahidda, iskuulada iyo jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka, si loo xoojiyo barashada iyo fahamka Qur’aanka Kariimka ah.

Mu’assasadu waxay ku boorrisay hay’adaha waxbarashada iyo ardayda Soomaaliyeed in ay ka faa’iidaystaan kutubtan qiimaha leh, si kor loogu qaado aqoonta tafsiirka iyo garashada ereyada adag ee ku jira Qur’aanka Kariimka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *