Dowro Cilmyeed Lagu Kobcinayo Xirfadaha Hadalka & Hoggaaminta Bulshada

Waxaa si guul leh noogu soo idlaaday Masjidka Dheyba ee ku yaalla xaafadda Nasteexa, degmada Wadajir, Gobolka Banaadir — dowro aqooneed muhiim ah oo lagu baranayey habka khudbo-jeedinta iyo xirfadaha lahadalka dadweynaha.

Dowradaan oo socotay 13-21 shawaal 1446H oo ku beegan 12-20 April 2025M waxaa ka faa’iideystay 60 arday oo dhammaantood isu diyaarinaya inay noqdaan khudbeeyeyaal xirfad sare leh oo saameyn ku leh bulshada dhexdeeda.

Ardayda waxay heleen tababar dhammeystiran oo la xiriira:

  • Qaabka dhisidda khudbada
  • Xulashada mowduuca saameynta leh
  • Hab-dhiska codka iyo kalsoonida hadalka
  • Sida loola falgalo dhagaystayaasha

Ugu dambayn, munaasabadda xiritaanka ayaa lagu guddoonsiiyey ardayda shahaadooyin aqoonsi ah, taas oo ah tallaabo dhiirrigelin u ah mustaqbalkooda cilmiga iyo adeegga bulshada.

Waxaan Alle ka baryeynaa in ardaydaan noqdaan kuwo iftiiminaya masjidyada iyo meel kasta oo kalimad wanaagsan laga filayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *