Fadliga Alle waxaa maanta Mu’assasada Sheekh Maxamed Macallin Xasan waxay kulan muhiim ah la qaadaty qaar ka mid ah xubnaha Ururka Midnimada Waxbarashada, kuwaas oo ah qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyo ka tirsan gobolka Banaadir oo isugu jiray kuwa khaas ah iyo dowladda
Kulanka ayaa ku salaysnaa sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo horumarinta waxbarashada, loona mideyn lahaa dadaallada lagu hormarinayo jiilka soo kacaya.





Alxamdulillaah, kulanku wuxuu kusoo dhammaaday guul buuxda oo 100%, iyadoo dhammaan ka qaybgalayaashu muujiyeen isfaham, midnimo, iyo niyad-wanaag ku aaddan danaha guud ee waxbarashada bulshada.