Mu’asasada Sheikh Mohamed Moalim iyo Jaamacadda Central oo Macallimiinta ku Tababaray Xirfadaha Casriga ee Waxbarista

Jaamacadda Central oo kaashaneysa Muu’asasada Sheikh Mohamed Moalim ayaa soo qaban-qaabisay tababar muhiim ah oo loo qabtay qeyb ka mid ah macallimiinta Jaamacadda iyo sidoo kale qaar ka mida macallimiinta dugsiyada sare ee magaalada Beledweyne.

Tababarkan oo socday muddo kooban ayaa diiradda lagu saaray sidii macallimiinta loogu xoojin lahaa xirfadaha muhiimka ah ee waxbarista, gaar ahaan:

Qorsheynta casharrada (Lesson Design).

Hababka casriga ah ee waxbaridda iyo wax-qabadka ardayda.

Xirfadaha hoggaaminta fasalka (Classroom Management).

Kor u qaadista tayada waxbarashada iyo guusha ardayda.

Macallimiinta ka qeyb galay waxay heleen fursad ay ku wadaagaan khibradahooda, isla markaana ku bartaan farsamooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya waxbarashada iyo waxtarka ardayda.

Tababarka ayaa si guul leh kusoo gaba-gaboobay, iyadoo ka qaybgalayaashu muujiyeen dhiirigelin iyo rajayn in aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ay ku dabaqaan fasallada ay maamulaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *