Mu’assasada Sh. Maxamed Macallin Xasan ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah dhaqaatiirta ka howl gala magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga bulshada, gaar ahaan deegaannada ay qaraabada degan yihiin, si loo horumariyo adeegyada caafimaad iyo waxqabadka bulshada. Dhaqaatiirta ka qaybgalay kulanka ayaa ballan qaaday inay diyaar u yihiin ka qaybqaadashada hawl kasta oo looga baahdo bulshada.
Ugu dambayn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan iyo isfaham guud oo ku saabsan sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga iyo adeegyada bulshada.




