KULANKA GOLAHA GUUD EE MU’ASSASADA SHEEKH MAXAMED MACALIN
EE FARACA KENYA
Arbaco, 25/12/2025,
waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabsoomay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Golaha Guud (General Assembly) ee Mu’assasada Sheekh Maxamed Macalin, kaas oo ay ka soo qeyb galeen culimada, odayaasha dhaqanka, iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray:
- Dib-u-eegista xaaladda guud ee mu’assasadda
- Sidii loo dardar-gelin lahaa howlaha mu’assasadda
- Xoojinta hannaanka maamulka iyo horumarinta waxqabadka mustaqbalka
Ka dib dood, is-dhaafsi fikradeed, iyo talo-wadaag miro-dhal ah, Golihii Guud wuxuu isku raacay in mu’assasadda loo sameeyo maamul cusub, si ay u gaarto yoolalkeeda una gudato waajibaadkeeda si hufan.


Natiijada Doorashada Guddoomiyaha:
Kulanka ayaa lagu qabtay doorasho lagu dooranayay Guddoomiyaha Mu’assasada Sheekh Maxamed Macalin (MSHMM) – Kenya, waxaana codeynta kadib natiijadu noqotay
Inuu Sheekh Axmed Xaaji Cabdulle ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Mu’assasadda MSHMM –Dalka Kenya.
Magacaabista Guddiga Marjaca (Oversight Committee).
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu magacaabay Guddi Marjac ah, si ay ula socdaan una hagaan howlaha maamulka cusub, waxaana loo doortay:
Guddoomiyaha Guddiga Marjaca:
Macallin Xasan Aadan
Xubnaha Guddiga:
- Macallin Maxamed Muudeey
- Macallin Cilmi Ugaaska
- Macallin Muuse Cabdullaahi Cumar
- Macallin Xasan Maxamuud Juule
Gunaanad:
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi is-afgarad, midnimo iyo rajo cusub, iyadoo ka qeybgalayaashu muujiyeen taageero buuxda oo ay u hayaan maamulka cusub, una rajeeyeen inuu Alle ku garab siiyo gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.
Ugu dambeyn, Golaha Guud wuxuu ugu baaqay dhammaan culimada, odayaasha, iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya inay si mideysan u garab istaagaan mu’assasadda, kana qeyb qaataan horumarinteeda iyo hirgelinta hadafkeeda.
والله ولي التوفيق.



