
Mu’asasada Sh.Maxamed Macalin waxay uga mahad celineysaa Mu’asasada Qadar khayriyah guud ahaan howlaha ay waddo dalka Soomaaliyeed iyo gobolka Hiiraan si gaar ahaaneed waxaan uga mahadcelineynaa dhismaha dugsiga Quraanka ee dhawaan ka hirgelisay magaalada Balaweyn.



Mu’asasada Sh.Maxamed Macalin oo ku hadlayso magaca deegaanka ayaa markale ugu mahadcelineysa kuna sii boorineysa in lasii wado howlaha noocaan oo kale, sidoo kale waxaan u mahadcelineynaa Xubnaha katirsan Mu’asasada oo ka shaqeeye sidii howshaasi u hirgeli laheyd.