TACSI TIIRAANYO LEH.
( إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ)

Mu’assasada sh.Maxamed Macalin Xasan waxay tacsi u direysa Allah u naxariste qoyskii, iyo eheladii uu ka geeriyooday Sh.Cumar Calasow oo ka mid ahaa Culimada soomaaliyeed oo muddo ku howlanaa baridda iyo faafinta diinta . Sheekha waxa uu ku geeriyooday dalka masar oo arimo caafimaad loo geeyay.
Maanta ayaana lakeenay meydkiisa magaalada Muqdisho salaadda janaasadana waxaa lagula dukaday masjidka Abuu Hureyra, waxaana lagu aasay qubuuraha barakaat ee magaalada Muqdisho.
Allah (SWT) ha u naxariisto qabrigiisana Allah u waasiciyo, kitaabkiisa rabbi midigta haka siiyo, Janatul fardowsa rabbi ha geeyo, ilaahey (SWT)haka dhigo marti la jecel yahay. Aamin aamin.
Anagane dhammaan samir iyo iimaan Allah naga siiyo. U soo duceya Insha.allah.