إنا لله وإنا إليه راجعون
Mu’assasada Sheekh Maxamed Macallin Xasan waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Sheekh Cabdinaasir Xuseen Cismaan.
Marxuumku wuxuu ahaa caalim Soomaaliyeed oo cilmigiisa looga faa’iidaystay dhulal badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna soo saaray culimo iyo arday badan oo bulshada anfacay. Wuxuu noloshiisa u huray faafinta diinta, baridda dadka, iyo hagidda bulshada.
Waxaan Alle uga baryaynaa inuu u naxariisto naxariis waasac ah, qabrigiisana u waasiciyo, ugana yeelo beer kamid ah beeraha Jannada, hoygiisana ka dhigo Jannatul Firdowsa.
Sidoo kale waxaan Alle uga baryaynaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, ardaydii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed inuu ka siiyo samir iyo iimaan.



