About Us

Mu’asasada Sh Maxamed Macallin waa mu’asaso Soomaaliyeed oo ka shaqaysa tacliinta . dacwada & horumarinta , waxaana aasaasay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed si kor loogu qaado heerka aqoonta shareecada & nolosha bulshada Soomaaliyeed 30 Luulyo 2020 .
Mu’asasada waxay ka diiwaan gashan tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya & Wasaaradda Arrimaha diinta .
Mu’asasada waxay xafiisyo ku leedahay maagalada Muqdisho & magaalada B/weyne.

Ujeedooyinka Mu’asasada:
 Faafinta cilmiga sharciga ah & guud ahaan aqoonta diineed
 Kor-u-qaadista wacyiga & aqoonta bulshada Soomaaliyeed
 Daryeelka agoonta & taakulaynta ardayda danyarta ah
 faafinta jacaylka,walaaltinimada , wadajirka iyo isu- naxariisashada ummadda dhexdeeda
 Bixinta adeegyada waxbarashada iyo horumarinta iyadoo lala kaashanayo hay’adaha kala duwan ee ay khusayso
 Horumarinta xirfadaha iyo kartida xubnaha bulshada si ay ugu suurtagasho inay si togan uga qayb qaataan horumarka.
 Ka qayb qaadashada dib u heshiisiinta bulshada iyo xoojinta nabadda bulshada dhexdeeda.

Hiigsiga Mu’asasada :
In ay noqoto hormuudka hay’adaha ka shaqeeya dacwada & horumarinta Soomaaliya

Fariinta Mu’asasada :
Mu’asasadu waxay ka shaqaysaa inay bulshada ugu yeerto wanaagga iyo khayrka iyo inay xoojiso barnaamijyada waxbarasho iyo horumarineed si waxtar leh oo ku dhisan hufnaan & daahfurnaan.

Dhinacyada ay ka shaqayso :
Mu’asasada waxay ka shaqaysaa dhinacyada soo socda :
 Dacwada
 Tacliinta
 Daryeelka agoonta & saboolka
 Horumarinta bulshada
 Gargaarka

Degaanada:
Mu’asasadu waxay ka hawlgashaa dhammaan gobollada Soomaaliya & deegandeeda kal duwan.