Hoggaaminta iyo Midnimada Bulshada: Tababar Odayaasha Xawaadle

Waxaa si habsami leh uga socdaa Java Hotel magaalada Muqdisho tababarka odayaasha dhaqanka Xawaadle ee gobolka Banaadir.
Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Mu’asasada Sh. Maxamed Macalin Xasan, wuxuu sii xoojinayaa doorka odayaasha dhaqanka ee nabadda, hoggaaminta iyo midnimada bulshada.

Ujeeddooyinka tababarka waxaa ka mid ah:

  • Xoojinta fahamka doorka odayaasha ee nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka.
  • Barashada habraacyo hoggaamineed oo casri ah iyo isla xisaabtan.
  • Kobcinta wacyiga ku saabsan midnimada iyo ilaalinta danaha guud.
  • Dhisidda iskaashi joogto ah oo u dhexeeya odayaasha iyo qeybaha kale ee bulshada.
    Intii uu socday tababarku, odayaashu waxay qaateen muxaadaraad diini ah iyo wacdi wax ku ool ah, kuwaas oo si gaar ah diiradda u saaray:
  • Alle ka cabsiga (Taqwada) iyo mas’uuliyadda hoggaamiyaha saaran hortiisa Eebbe.
  • Midnimada iyo wadajirka bulshada, iyo ka hortagga kala fogaanshaha iyo qabyaaladda.
  • Xuquuqda muslimiintu isku leeyihiin, ilaalinta karaamada qofka, iyo ka fogaanshaha dulmiga iyo gardarrada.
    Muxaadaraadkani waxay ahaayeen kuwo qalbiyada baraarujinaya, ku dhiirrigelinaya odayaasha inay noqdaan kuwo ku dhisan caddaalad, naxariis iyo masuuliyad, si ay bulshada ugu noqdaan tiir mideeya oo hagaya.
    Odayaasha ayaa si weyn u soo dhaweeyey casharrada iyo wacdiga, waxayna muujiyeen farxad iyo qaddarin. Waxay codsadeen in la sii wado barnaamijyada noocan ah, si loo joogteeyo baraarugga diineed iyo wada shaqeynta bulshada.
    Marka Alle laga cabsado, xuquuqda la ilaaliyo, midnimadana la adkeeyo, bulshada waxaa ku faafta nabad, kalsooni iyo barako.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *