23-25 Ramdan / 12-14 marso 2026
Mu’asasada Sh Maxamed Macallin ayaa ku qabatay magaalada Beledweyne dawro loogu talogalay macallimiinta Quraanka Kariimka si kor loogu qaado aqoontooda la xiriirta waxbarista & tarbiyaynta caruurta, dowrada oo uu bixinayay Dr. Shaafici C/casiis Xaaji Dhafe , waxaa ka faa’idaystay macallimiin gaaraysa 150 macallimiin oo ka mid ah macallimiinta dugsiyada qur’aanka ee magaalada Beledweyne , barnaamijkan ayaa qayb ka ah dedaalka mu’asasada ee ku wajahana koryeelidda Quraanka kariimka ah & sunnada nebigeenna suuban.




