Mu,assada sh.maxamed Macallin waxay uga Tacsiyeyneysaa Ummadda Soomaaliyeed Geeridii ku timid maalinta khamiista Sh.Muriidi Xaaji Suufi.
Sheekh Muriidi Xaaji Suufi, Alle ha u naxariistee, waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid ahaa culimadii ugu caansanaa ee hormuudka u ahaa soo nooleynta Islaamka (saxaabada dacwada) iyo dacwada casriga ah, isla markaana ahaa tiir ka mid ah culimada wax ka dhigi jirtay xalaqooyinka shareecada ee Soomaaliya. Wuxuu geeriyooday Khamiistii, taariikhdu markay ahayd 9 Abriil 2026, magaalada Muqdisho.
Sheekh Muriidi wuxuu ka mid ahaa ardaydii uu soo barbaariyey Sheekh Maxamed Macallin Xasan, oo ahaa hormuudkii soo nooleynta Islaamka ee Soomaaliya, kaas oo bilaabay duruusta Tafsiirka Qur’aanka dabayaaqadii lixdamaadkii masjidka Sheekh Cabdulqaadir (oo loo yaqaan “Maqaamka”). Sheekh Muriidi waxaa lagu yaqaanay hab gaar ah oo uu u fasiri jiray Qur’aanka, taas oo soo jiidatay dad badan, gaar ahaan dhalinyarada. Waxa kale oo uu caan ku ahaa inuu si fudud oo cad u sharxi jiray tafsiirkii macallinkiisa, taas oo siisay sumcad iyo maqaam sare oo cilmiyeed.