Mu,assasada Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa qabtay dowro cilmiyeed socotay muddo sanad iyo bar ah, taas oo lagu qabtay Masaajidka Miinaa ee magaalada Nairobi, dalka Kenya.
Dowradaan oo ay ka faa’iidaysteen arday tiro badan oo isugu jiray rag iyo dumar, ayaa waxaa bixinayay Fadiilatu Sheekh Axmed Xaaji Cabdulle, oo si hagar la’aan ah ugu soo gudbiyay cilmiga iyo khibraddiisa ardayda.
Waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu aqoonta laga kororsaday dowradaas ka dhigo mid nafci leh, kana anfaco ardaydii ka qayb gashay, kana abaalmariyo Sheekh Axmed Xaaji Cabdulle, maamulka machadka, iyo dhammaan intii ka qayb qaadatay hirgelinta dowradaas khayrka badan.













