Mu’assasada Sheekh Maxamed oo Daahfurtay Dowradii Xagaaga

Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay Masjidka Alraxmaan ee xaafadda Nasteexa, degmada Wadajir, magaalada Muqdisho, dowradii xagaaga ee ay soo qabanqaabisay Mu’assasada Sheekh Maxamed Macalin Xasan.

Dowradaan oo ay ka faa’iideysanayaan arday isugu jira wiilal iyo gabdho, ayaa lagu baran doonaa kutub iyo duruus cilmiyeed muhiim ah, waxaana ka mid ah:

  1. تفسير جزء عم – Sheekh Faarax Macalin Maxamuud.
  2. كتاب إصلاح المجتمع – Sheekh Cabdullaahi Xasan.
  3. كتاب الميسر في أحكام الطهارة والصلاة – Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim.
  4. Muxaadarooyin iyo kulammo cilmiyeed oo ay jeedin doonaan culimo iyo mashaayikh.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu ka dhigo dowradaan mid barako leh, kana yeelo mid ay ka soo baxaan aqoon waxtar leh iyo camal suuban. Aamiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *